Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharciga dhismaha guddiyada madaxa-bannaan ee ka la dagaallanka musuqmaasuqa

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixaya sharciga dhismaha guddiyada madaxa-bannaan ee ka gagaallanka musuqmaasuqa, September 21, 2019, Muqdisho. [Isha Sawirka: Villa Somalia]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah saxiixay sharciga dhismaha guddiyada madaxa-bannaan ee ka la dagaallanka musuqmaasuqa heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Hadal uu jeediyay kadib saxiixa sharciga, Farmaajo ayaa tilmaamay dhibaatada uu musuqmaasuqu ku hayo dowladnimada iyo horumarka dalka, isaga oo xusay in sharcigani uu horseedayo dhismaha guddiyada madaxa-bannaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa, kuwaas oo u xilsaaran ka hortagga iyo xakamaynta musuqmaasuqa.

“Musuqmaasuqu waa cudur kansarka ka daran. Maxaa yeelay kansarku qof qura ayuu dilaa, laakiin musuqmaasuqu bulshada oo dhan ayuu dilaa. Waxaan rajaynaynaa in xubnaha guddiyadan la soo xulayo ay noqdaan dad ku tilmaaman dhaqan wanaagsan, diin iyo waddaniyad.” Ayuu yiri.

Sharciga ayaa waxaa soo ansixiyay baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya oo muddo sannooyin ah aysan ka jirin dowlad shaqaysa ayaa sanadihii ugu dambeeyay kaalinta kowaad ka gashay dalalka addunka ugu musuqmaasuqa badan, sida ay sheegtay haayada kor-joogtaysa musuqmaasuqa dunida ee Transparency International oo fadhigeedu yahay magaalada Berlin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*