Madaxweyne Farmaajo oo saraakiisha ciidamada kulan kula yeeshay Muqdisho

Madaxweyne Farmaajo oo saraakiisha ciidamada kulan kula yeeshay Muqdisho. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Isniin ah saraakiisha ciidamada kulan kula yeeshay gudaha Muqdisho.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray arrimaha ammaanka , sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa saraakiisha u jeediyay in ammaanka caasimada Muqdisho la adkeeyo si looga hortago weerarada maleeshiyada Al-Shabaab.

Kulanka ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii gaari qarax uu ka dhacay Muqdisho, oo ay ku dhinteen ku dhawaad toban qof.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*