Madaxweyne Farmaajo oo safar ku imaan doona Puntland

Sawirka: Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan safar ku imaan doona magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, sida ilo-wareedyo dowladda katirsan ay u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror.

Soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka socota gudaha magaalada Garoowe.

Inta uu joogo Garoowe, Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in uu ka qeybgali doono munaasabado ay kamidyihiin xarig ka jarka garoonka diyaaradaha ee Garoowe, iyo xuska sanadguurada afraad ee xukuumadda madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*