Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay safiirka Mareykanka u fadhiya gudaha Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay safiirka Mareykanka u fadhiya gudaha Soomaaliya. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay safiirka dalka Mareykanka u fadhiya gudaha Soomaaliya Stephen Schwartz.

Kulanka ayaa maanta oo Jimce ah ka dhacay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee gudaha Muqdisho.

Sida uu sheegay raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho madaxweynaha iyo safiirka ayaa ka wadahadlay xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safiirka ka codsaday in Mareykanku ay sii kordhiyaan taageeradooda ay siiyaan Soomaaliya ee ku aadan dhinacyada amniga sida tababarida iyo mushahaarsiinta ciidamada.

Stephen Schwartz ayaa dhankiisa balanqaaday in ay sii wadi doonaan taageeradooda ay la garabtaaganyihii dowladda federaalka Soomaaliya.

Ugu dambayn, safiirka Mareykanka ayaa madaxweyne Farmaajo ugu hambalyeeyay guushii dhawaan uu ka gaaray doorashadii madaxweynenimada Soomaaliya.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*