Madaxweyne Farmaajo oo isku shaandheyn ku sameeyay haayadaha ammaanka.

Madaxweyne Farmaajo. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isku shaandheyn ku sameeyay haayadaha ammaanka.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha maanta oo Khamiis ah ayaa u qorneyd sidaan:

1. Dr. Aamina Siciid Cali waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

2.S/Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

3.G/Dhexe Odawaa Yuusuf Raage oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa isla markaasna loo magacaabay Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

4.S/Guuto Cabdalla Maxamed Cabdalla waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

5.G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

6.Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/08/2018 waxa uu Madaxweynahu u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

7.S/Guuto Siciid Axmed Kadiye ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

8.G/Sare Zakia Xuseen Axmed oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

9.G/Sare Xasan Nuur Col-ujoog ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray dhammaan masuuliyiinta la magacaabay in ay si hufan uga soo dhalaalaan shaqooyinka loo igmaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*