Madaxweyne Farmaajo oo gobolada waqooyi ee Soomaaliya ugu yeeray qaranimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Isaga oo ka hadlayay munaasabada 26-ka June oo ah maalintii ay xornimada ka qaadeen gobolada Waqooyi ee Soomaaliya guumaystihii Ingiriiska oo lagu qabtay xalay mgaalada Muqdisho Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka codsaday gobolada waqooyi ee Soomaaliya sidoo kale loo yaqaan (Somaliland) in ay la midoobaan gobolada kale ee dalka.

“Waxaa nasiib aaro ah Soomaali ehel wada ah, oo wada dhashay iyo hilbo aan kala Go’ laheyn, qaar yar oo kooban in ay doonayan xeyn-daab in ay nagu kala haayaan,” ayuu yiri Farmaajo.

“Waxaan walaalaheena gobolada waqooyi dhalinyaro iyo waayeel, rag iyo dumarba ugu baaqayaa in ay tahay mas’uuliyad inoo wada taala in aan dib u hanano qarannimadii Soomaaliyeed.” Ayuu ku daray Madaxweynuhu.

Somaliland ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ka go’day 18-kii May ee sanadkii 1991-dii, balse wali aqoonsi rasmi ah ma aysan helin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*