Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Itoobiya

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya Workneh Gebeyehu. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]

Addis Ababa-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta oo Isniin ah tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa si diiran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya Workneh Gebeyehu.

Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay in safarkiisa uu salka ku hayo sidii loo dar-dar gelin lahaa dagaalka ka dhanka argagixisada isla markaasna loo midayn lahaa qorshayaasha wadamada geeska Afrika ee ay ku wajahaayaan ka hor-tagga khatarta argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu kuan la yeelan doono Raysulwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Shalay oo Axad ahayd, Farmaajo ayaa tagay dalka Uganda, waxaana uu kulan la yeeshay dhiggiisa Yoweri Museveni.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa in uu tago dalka Jabuuti.

Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa kamid ah wadamada ay ciidanku ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*