Madaxweyne Farmaajo oo codsaday in la joojiyo dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa codsaday in la joojiyo dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland, sida lagu sheegay bayaan.

“Waa in dagaalka Tuka-raq si degdeg ah oo shuruud la’aan ah lagu joojiyaa, wax walbana loo maraa dariiqa wadahadalka.” Ayuu bayaan ku yiri Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa maanta oo Talaado ah ka qarxay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaas oo tan iyo bishii Janaayo ay isku hor fadhiyeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*