Madaxweyne Farmaajo oo ciidan cusub oo tababar u soo xirmay kula dardaarmay in ay dalkooda ka xoreeyaan argagixisada Al-Shabaab

Madaxweyne Farmaajo oo la hadalaya ciidamada uu tababarka uu ugu soo xiray Muqdisho maanta oo Talaado. [Xigashada Sawirka: Villa Somalia]
Muqdisho-(Puntland Mirror)  Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Talaado ah ciidamo gaaraya 600 askari tababar ugu soo xiray xarunta Janaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa ciiadanka cusub oo u badan dhalinyaro kula dardaarmay in ay dalkooda ka xoreeyaan maleeshiyada argagixisada ee Al-Shabaab.

“Waxaa halkan iiga muuqata ciidan u diyaarsan in ay dalkooda ka xoreeyaan hororka nabad diidka ah ee Alshabaab oo ah Khawaarij nagu soo duulay, dalkeenna tafaha heysa oo diiday in aan la tartanno caalamka intiisa kale,” ayuu yiri.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*