Madaxweyne Farmaajo: Ilaa markii la i doortay ilaa hadda, wax mushahaar ah ma qaadan

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. [Xigashada Sawirka: Cali Ducaale/Sawirqaadaha Madaxweynaha]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in uusan wax mushahaar ah qaadan tan iyo markii la doortay,

Wareysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Sharq Al-awsat Madaxweynaha ayaa la weydiyay in markii uu Mareykanka joogay mushahaarkiisu uu ahaa $84,000 sanadkii, hadda uu yahay Madaxweynaha Soomaaliya inta uu yahay mushahaarkiisu, balse waxa uu sheegay in uusan wali mushahaar qaadan.

“Ilaa markii la i doortay ilaa hadda, wax mushahaar ah ma qaadan, dowladda ayaa go’aansan doonto in ay ii qoondeyso mushaar madaxeed laakiin, intuu la ekaan doono ma garanayo, maxaa yeelay miisaaniyadda madaxtooyada wali lama meel marinin. Madaxweynaha Soomaaliyana shaqo kuma laha jaangooynta mushaarka, xaqna uma laha in uu khasnadda dowladda ama Bankiga Dhexe lacag kala baxo, sidaa darteed waxaan sugayaa meel marinta miisaaniyadda.” Ayuu yiri.

Dhawaan mar uu ka hadlayay munaasabad Farmaajo ayaa ku dhaartay in uusan hal dollar ka musuqmaasuqi doonin shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa madaxweynaha Soomaaliya loo doortay 8-dii bishii Maarso sanadkan, balanqaadyadiisii xilligii ololaha kuwa ugu waa-weyn waxaa kamid ah la dagaalanka musuqmaasuqa balaaran ee ka dhex jira haayadaha dowladda.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*