Madaxweyne Erdogan oo uga digay dowladda Netherland in ay cawaaqib xumo kala kulmi doonto is-hortaag ay ku sameeyeen labo kamid ah wasiiraddiisa

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan. [Xuquuqda Sawirka: Anadolu News Agency]
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan. [Xuquuqda Sawirka: Anadolu News Agency]
Ankara-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa uga digay dalka Netherland in ay cawaaqib xumo kala kulmi doonaan ayna dhaawici doonto xiriirka labada dal u dhaxeeya kadib markii labo wasiiradiisa kamid ah la hor istaagay.

Erdogan ayaa yiri: “waxaan bari doonaa iyaga diblomaasiyada caalamiga ah.”

Labada wasiir oo Turkiga ah ayaa laga hor istaagay Sabtidii shalay in ay u khudbeeyaan qurbajoogta Turkiga ee kunool magaalada Rotterdam ee dalka Netherland, iyadoo mid kamid ah loo galbiyay xuduuda Jarmalka.

Dowladda Netherland ayaa sheegtay in isku soo baxaan oo kale uu dab ku sii shidi doono maalmo kahor doorashada guud ee Netherland.

Wasiiradda Turkiga ayaa doonayay in ay taageero ka helaan qurbajoogta Turkiga iyadoo ay soo aadantahay aftida awood kordhinta madaxtooyada Turkiga.

Wasiiradda qoyska Turkiga Fatma Betul Sayan Kaya, ayaa booliiska Dutch gaari ku geeyeen xuduuda dhanka Jarmalka xigta.

Turkiga ayaa 16-ka bisha April ee sanadkan qaban doona aftida wax ka bedelka dastuurka, iyadoo loo codeyn doono in dalka uu noqdo mid awooda uu leeyahay baarlamaanku ama madaxtooyadu.

Waxaa jira in ka badan 5.5 milyan oo qurbejoog Turki ah, xukuumada Madaxweyne Erdogan ayaa doonaysa sidii ay ku heli lahayd codadka dadkaas.

Netherlands waxaa ku nool 400,000 dad ah oo asal ahaan kasoo jeeda Turkiga, waana kuwaas kuwa xukuumada Ankara ay dadaalka ugu jirto in ay soo jiidato codadkooda.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*