Madaxweyne Erdogan oo u safray Ruushka si uu u soo cesho xiriirkii labada dal

Recep-Erdogan
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Ankara-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa u duulay dalka Ruushka maanta oo Talaado ah isagoo kulankiisii kowaad la yeelan doona dhiggiisa Vladimir Putin tan iyo markii labada dal ay bilaabeen in ay soo ceshtaan xiriirkooda oo xumaaday markii Turkiga uu soo riday diyaarad dagaal oo Ruushku lahaa.

Booqashada Erdogan ee Putin ayaa sidoo kale noqonaysa safarkiisii kowaad oo dalka dibada uga baxo tan iyo markii uu dhacay isku-daygii afgembigii fashilmay oo bishii lasoo dhaafay Turkiga ka dhacay.

“Safarkan wuxuu iila muuqdaa ani mid taariikh xasuus mudan u ah xiriirka labada dal, oo hadda ku bilaabmaya qorshe cusub, waxaana shaqsi ahaan, iyo anoo ka wakiil ah dalka Turkiga idin ku salaamayaa Madaxweyne Putin iyo dadka Ruushka,” ayuu yiri Erdogan oo la hadlay saxaafada safarkiisa kahor.

Xiriirka labada dal ayaa xumaaday kadib markii diyaarad dagaal oo Ruushka lahaa uu soo riday Turkiga bishii Novermber ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2015, diyaarada ayaa dul maraysay meel u dhaxaysa xadka Turkiga uu la leeyahay dalka Suuriya.

“Madaxweynaha Ruushka ayaa si deg deg ah u cambaareeyay isku-daygii afgembi oo dhawaan Turkiga ka dhacay, marka la barbardhigo wadamo badan oo Reer Galbeed ah oo Turkiga saaxiib la ah, taasaa soo dhawaysay xiriirka labada dal oo muddo 7 bilood ah aan fiicnayn.” Sidaa waxaa yiri tifaftiraha guud ee warsidaha Puntland Mirror Cabdi Cumar Bile.

Ugu dambayna ajandaha ugu weyn ee kulanka Erdogan iyo Putin ayaa la filayaa inuu noqdo xaalada dalka Suuriya, iyadoo xukuumada Moscow ay taageero militari siiso dowlada Suuriya ee Madaxweyne Bashar al-Assad.

Turkiga ayaa ah dalka ugu weyn oo qaabilay qaxootiga kasoo cararay dagaalada dalka Suuriya, waxaana lagu qiyaasaa 2 milyan oo qaxooti reer Suuriya ah in ay joogaan dalka Turkiga.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*