Madaxweyne Erdogan oo ku tilmaamay isku dayga afgembiga ‘fal khaa’inul waddanimo’

Madaxweyne Erdogan oo ku dhex jira taageerayaashiisa gudaha garoonka Istanbul. Sawirka: Reuters.

Madaxweynaha Turkiga Rajib Dayib Erdogan ayaa soo muuqday gelinkii hore maanta oo Sabti ah isaga oo ku dhex jira dad badan oo taageerayaashiisa ah garoonka weyn ee Istanbul, muuqaal lagu baahiyay warbaahinta bulshada ayaa muujinayay kadib isku day afgembi oo qayb kamid ah ciidamada ay damceen in ay dowlada ku afgembiyaan.

Imaanshaha Erdogan ee Istanbul ayaa yimid kadib markii Raysulwasaaraha Binali Yildirim oo taleefishinka NTV ka baahiyay in xaalada inteeda badan ay ku jirto gacanta dowlada.

Ugu yaraan 60 qof ayaa ku dhintay isku dhicii xalay badankood waxay ahaayeen shacab, 336 qof oo kalena waa la xiray sida ay sheegeen saraakiisha.

Isaga oo ka hadlayay shir saxaafadeed, Erdogan waxa uu sheegay isku dayga la rabay in awooda looga tuuro uu ahaa “fal khaaa’inul wadaninimo” kuwa ka dambeeyana ay la kulmi doonaan ciqaab culus.

Wuxuu sheegay inuu la joogi doono dadkiisa, uusana meelna u socon kadib markii uu kusoo noqday magaalada Istanbul isaga oo ka yimid magaalo xeebeedka Marmaris.

Erdogan waxa uu ku eedeeyay isku dayga afgembiga in ay tahay shaqada taageerayaasha wadaadka saldhigiisu yahay Maraykanka ee Fethullah Gulen, kaasoo in badan Erdogan ku eedeeyay in taageerayaasha uu ku leeyahay haaydaha garsoorka iyo militariga uu u isticmaalayo afgembi lagu ridayo dowlada.

RW Turkiga ayaa u sheegay ciidamada militariga ee madaxtooyada in la faray in ay toogtaan diyaaradaha ay isticmaalayaan kuwa afgembiga ka dambeeya.

Isku dayga afgembiga ayaa ka bilaabmay kadib markii qayb kamid ah ciidamada ay xireen buundooyinka, diyaaradaha dagaalkana hawada lagu sii daayay, dhawaaqa qoryaha iyo qaraxyana laga maqlay magaalooyinka ugu waaweyn Turkiga, Istanbul iyo Ankara.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*