Madaxweyne Deni oo u safray Qardho iyadoo Boqor Burhaan ka maqanyahay magaalada

Madaxweyne Deni oo safar ku jira xilligii uu msharaxa ahaa. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah u safray magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, taasoo ka dhigaysa safarkiisii ugu horeeyay ee gudaha tan iyo markii uu xafiiska qabtay bishii Janaayo 2019.

Safarkiisa ayaa imaanaya iyadoo Boqor Burhaan Boqor Muuse oo fadhigiisu yahay Qardho uu magaalada ka maqanyahay asbuucyadii u dambeeyay.

Sida bog wareedka Puntland Mirror fahansanyahay, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo Boqorka ayaan xiriirkoodu wanaagsaneyn tan iyo doorashadii madaxtinimada Puntland ee bishii Janaayo taasoo Deni ku guuleystay.

Boqor Burhaan ayaa asbuucaydii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sida ilo-wareedyo katirsan dowladda ay u sheegeen Puntland Mirror, Deni ayaa Qardho uga sii gudbi doona Boosaaso, oo ah xarunta ganacsiga Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*