Madaxweyne Deni oo sheegay in Puntland ay martigelin doonto bisha Maarso kulan u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Kulan u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa bisha Maarso ka dhici doona magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, sida uu sheegay Madaxweynaha Puntland.

“Kulamadaas guud ee madaxda maamulada xubnaha ka ah iyo Dowladda Federaalka isku arkeen wuxuu gogol xaar u noqday in kulamadii u dhaxayn jiray oo muddo hakad ku jiray ee kala qeybsanaan xagga rayiga ah darteed uu muftaax u noqday in ay madaxda dowladda xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo madaxweynuhu kulan maanta wada yeesheen, kulankaasoo loogu gogol xaarayay in la isku cafiyo waxyaabaha khilaafka shakhsiga ah lagu saaro danta guud ee dalka laga wada shaqeeyo howlaha iyo ajandayaasha dhabta u ah dowlad dhisida si qoto dheer loo galo oo aad loo lafa guro si loo gaaro horumar shacabka Soomaaliyeed ay ku naaloonayaan,” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni.

Madaxweyne Deni oo shir saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa maanta oo Isniin ah ayaa intaas ku sii daray: “Runtii arrintaas waxay horseeday in madaxweynaha Dowladda Federaalka uu soo jeediyo in shir la isugu yimaado bartamaha bisha saddexaad uuna ka codsaday dowladda Puntland in ay gogoshaas martigeliso, anoo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka Puntland waxaan aqbalay in aan gogol nabadeed oo loogu gogol xaarayo in Soomaaliya midnimadeeda iyo wadajirkeeda looga shaqeeyo Garoowe lagu qabto.”

Go’aanka ayaa ymid kadib kulan ay Garoowe ku yeesheen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya, kuwaasoo Garoowe u yimid ka qeybgalka caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Bishii September ee sanadkii 2018, madaxda sare ee dowlad goboleedyada Soomaaliya oo kala ah Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed oo magaalada Kismaayo shir ku yeeshay ayay ku hakiyeen wadashaqeynta Dowladda Dhexe, iyaga oo ku eedeeyay farogelin arrimahooda gudaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*