Madaxweyne Deni oo ka hadlay sababta keentay in Puntland aysan ka qeybgalin shirka Somali Partnership Forum

Madaxweyne Deni oo la hadlayay bulshada gobolka Bari, October 1, 2019, Boosaaso. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay sababta keentay in Puntland aysan ka qeybgalin shirka “Somali Partnership Forum”.

Isaga oo ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Boosaaso oo uu xalay la yeeshay bulshada gobolka Bari madaxweynaha ayaa yiri: “Maanta waxaa ka furmay magaalada Muqdisho shir layiraahdo Somali Partnership Forum oo ay ku kulmaan madasha isbahaysiga Soomaaliya iyo caalamka oo looga tashado marxaladda Soomaaliya marayso iyo sidii horumarkeeda looga shaqayn lahaa. Dawladda Puntland shirkaas kama aysan qayb-galin, waxaan rabaa dadweynaha reer Puntland inaan halka kala wadaago sababaha kalifay in Puntland ka qayb gali waydo, maadaama Puntland ay ahayd hooyadii Faderaalka, maadaama Puntland ahayd xubin aasaasi u ah midnimada Soomaaliya iyo federaalaynta, iyada iyo xubnaha kale ee dawladuhuna ay arrintaas kasimanyihiin.”

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in shirkaas Puntland lagala tashan oo ay baraha bulshada ka aragtay ajandaha shirka.

“Waxaan aad uga xunahay shirka noocaas ah intaas le’eg, in Puntland aan laga tala galin in Puntland ay baraha bulshada ka aragtay ajandaha shirka iyo sida uu u dhiganyahay,”

Waxa uu ku sii daray: “In Puntland ay ka aragtay waxa loo yaqaan Communique ama wixii kasoo bixi lahaa shirka oo diyaarsan, waxaan ka xunahay markii aan hubsanay inay arrimahaas sidaas ujiraan oo aan talo kulahayn, oo waxa kasoo baxaya aan ra’yi kulahayn oo Puntland baahiyaheeda aan lawaydiinayn, oo idinkuba waa arki kartaane layiraahday waxaad kuleedihiin Shan daqiiqo oo dadka carabiga yaqaana layiraahdo “TACLIIQ” ama “REMARKS” Khudbad nin akhriyay ayaa shan daqiiqo idinkuna waxaad leedihiin inaad comments ka bixisaan ama ka hadashaan, intaas in ay noqotay qiimihii Puntland laga dhigo aad baan uga xumaaday runtiina wax Puntland ay qaadan karto ma aha Bulshada Caalamka oo dhanna si cad ayay ugu cadaysay inaysan arrintaas raali ka ahayn.”

Shirka Somali Partnership Forum ayaa shalay oo Talaado ahayd ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in maanta uu soo xirmo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*