Madaxweyne Deni oo guddoomiye iyo taliye booliis u magacaabay gobolka Mudug

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur. [Sawir Hore]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Axmed Muuse Nuur u magacaabay guddoomiyaha gobolka Mudug, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada.

Guddoomiyaha cusub ayaa horey u soo noqday guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug xilligii xukuumadii madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali.

Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa Jaamac Maxamed Axmed u magacaabay taliyaha qabyta booliiska gobolka Mudug, sida lagu sheegay bayaan xalay fiidnimadii dambe ka soo baxay madaxtooyada.

Madaxweynaha Puntland oo dhawaan safarkiisii ugu horeeyay tan iyo markii la doortay ku tagay magaalada Gaalkacyo, ayaa sidoo kale wax ka badal ku sameeyay garsoorka gobolka Mudug, isaga oo ceyriyay dhammaan qareenadii maxkamadaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*