Madaxweyne Deni: Dilkii Paul waxa uu u soo jiiday Puntland dhaawac aad u badan

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. [Xigashada Sawirka: Puntland State House]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sheegay in dilkii Paul uu Puntland u soo jiiday sumcad daro.

“Dilkii Paul waxa uu u soo jiiday Puntland dhaawac aad u badan, waxa uu ka hor istaagay mashaariic faro badan oo u soo socotay, wuxuu helis geliyay dad faro badan oo maalgeliyeyaal ah in ay yimaadaan,” ayuu yiri madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo la hadlayay dad-weynaha Boosaaso maanta oo Sabti ah.

Paul Anthony Formosa, oo u dhashay dalka Matla, kaasoo ahaa madaxii shirkada DP World ee dekada Boosaaso ayaa lagu dilay magaalada Boosaaso horaantii bishii Febaraayo 2019, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilkaas.

Madaxweyne Deni ayaa hadalkiisa intaas ku daray in mashruuc weyn oo biyaha ah oo loogu talogalay magaalada Boosaaso uu dib u dhacay sababo amni dartood oo la xiriirta dilkaas.

“Waxaa ugu dambeeyay oo qorshaha halkaan u imid kamid ahaa biyahaas aad ka cabanaysaan mashruuc weyn oo dalka Talyaaniga naga saacidayay oo laga soo qabanayay meel Laag u dhow biyo badan oo nadiif ah oo macdan leh oo looga kaaftoomi lahaa ceelasha, mashruucaas waa uu istaagay hadda oran mayo laakiin dib bay u dhiggeen sababo amni dartood oo salhig u ahaa dilkii Paul,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*