Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in dowladda Puntland ay difaacayso dhulkeeda.

Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay kadib markii maanta oo Khamiis ah uu ku soo noqday magaalada Garoowe, isaga oo shirka maamul goboleedyada uga qeybgalay magaalada Baydhabo, ayaa hambalyo u diray dhammaan ciidamada Puntland waxaana uu sheegay in dowladdu ay dhulkeeda ka difaacn doonto cid walba oo soo weerarta.

Sidoo kale, Madaxweyne Cabdiweli ayaa shacabka u sheegay in ay ka qeybqaataan difaaca dhulkooda.

Share this story about sharing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll Up