Madaxweyne Cabdiweli oo markale ku celiyay in ciidamada PMPF oo uu Imaaraatku taageero ay laf dhabar u yihiin ammaanka Puntland

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sheegay in ciidanka badda Puntland ee PMPF ay laf dhabar u yihiin ammaanka Puntland.

Kulan uu la yeeshay bulshada rayidka ee magaalada Boosaaso maanta oo Khamiis ah, ayaa Cabdiweli Maxamed Cali yiri: “Waxaa la yiraahdaa ciidanka ilaalada Badda, lakiin bad iyo berriba waa ilaaliyaan, 2000 oo ciidana oo tababaran oo akhlaaq leh oo maamuus leh oo si fiican loo dhaqaaleeyo, oo hada intay yihiin wax loogu sii dari lahaa aan aaminsanahay inaan uga maarmi lahayn dalka dhan difaaciisa, shaqooyinkooda maaha cadowga inay ka difaacaan, waxay ilaaliyaan badda kaluunka sharci darada ah, waxay ilaaliyaan tahriibka, waxay ilaaliyaan burcad baddeedka inay dib ugu soo laabato dalka, waxay ka ilaaliyaan Shabaab iyo Daacish.”

“Qandala oo Daacish qabsatey ciidanka keliya ee maanta joogaa waa PMPF, Galgala kuwa jooga waa iyaga, ciidanka inaataas ku filnaadey waad garan kartaan baahida loo qabo inay mid wayn tahay, meesha ay baneeyaana ay dhib wayn nagu soo kordhin lahayd, cid noo bedalaysa oo maanta jirtaa oo aan garanaayo majirto, cidii marka nagu taageertay tababarka iyo dhaqaaleha waan uga mahadnaqaynaa,” ayuu ku sii daray.

Shir saxaafadeed uu ku qabtay Boosaaso Isniintii, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Isutaga Imaaraatka Carabta ay sii wadi doonaan tababarka iyo mushahaar siinta ciidamada PMPF.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa beeniyay in Imaaraatka Carabta ay joojiyeen taagerada PMPF. Waxaana uu Imaaraatka Carabta uga mahadceshay taageeradooda ciidanka.

Imaaraatka Carabta ayaa bilaabay taageerada ciidamada PMPF sanadkii 2011 xilligii maamulkii Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*