Madaxweyne Cabdiweli oo maanta oo Khamiis ah u safraya Gaalkacyo

IMG_2375
Madaxweynaha dowlada Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali.

 

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa la filayaa maanta oo Khamiis ah inuu u safro magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegeen saraakiil dowlada ah.

“Maanta Madaxweynaha wuxuu safar ugu baxayaa Gaalkacyo si uu wax uga qabto xaalada amaanka magaalada sidoo kalena uu ula kulmo bulshada reer Gaalkacyo,” sidaa waxaa Puntland Mirror u sheegay sarkaal dowlada katirsan oo magaciisa codsaday in aan la isticmaalin.

Warsidaha Puntland Mirror ayaa ogaaday in Madaxweynaha ay u qorshaysantahay inuu xilka ka qaado duqa degmada Gaalkacyo Cabdicasiis Jaamac Nugaal uuna kala diro golaha degaanka ee degmada.

Xaalada amaanka ee magaalada Gaalkacyo ayaa soo xumaanaysay. Inta lagu jiray bisha Ramadaan ugu yaraan saddex qof oo dowlada katirsan ayaa lagu dilay magaalada.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*