Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud oo lagu xanibay garoonka diyaaradaha Muqdisho

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu xanibay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyaga oo ku sii jeeday magaalada ay fatahaaduhu ku dhufteen ee Beledweyne.

Diyaarada qaadi lahayd labada masuul ee hore iyo xubno kale oo la socday ayaa la diiday in ay ka baxdo garoonka Aadan Cade saakay oo Axad ah, sida ilo-wareedyo haayada socdaalka katirsan ay warbaahinta u sheegeen.

Lama oga sababta keentay xanibaada ka dhanka ah madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, kuwaasoo hadda kala hoggaamiya ururo siyaasadeed.

Madasha ururada siyaasadeed ee uu hoggaamiyo Shiikh Shariif ayaa asbuucii hore sheegay in ay lacag dhan $200,000 ugu deeqeen dadka Beledweyne ee ku waxyeeloobay fatahaada webiga Shabeelle.

Ma ahan markii ugu horeysay ee masuuliyiintan lagu xanibo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, bishii September ee sanadkan ayaa is-hortaag lagu sameeyay xilli ay rabeen in ay ka qeybgalaan caleemosaarkii madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*