Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo isku afgartay in ay ka wada shaqeeyaan sugida xuduuda u dhaxeysa

Madaxweynaha Soomaaliya oo taleefoon ku hadlaya. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa wadahadal ku yeeshay khadka taleefoonka waxayna isku afgarteen in ay ka wada shaqeeyaan sugida xuduuda u dhaxeysa, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya maanta oo Khamiis ah.

“Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo khadka telefoonka kuwa wada hadlay ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.” Ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Villa Soomaaliya.

“Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa adkeeyay in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro.” Bayaanka ayaa intaas ku daray.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee ka dhaxeeya labada dal, sida lagu sheegay bayaanka.

Wadahadalkan ayaa yimid labo maalin kadib markii dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyo taageersan wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan uu ka dhacay magaalada Beled-Xaawo oo kutaala xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*