Madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland oo laga yaabo in ay kulan ku yeeshaan Dubai

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni (Midig) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. (Bidix). [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland ayaa laga yaabaa in ay kulan ku yeeshaan magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraatka Carabta, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

Ilo-wareedyo katirsan Puntland ayaa bog wareedka Puntland Mirror u sheegay in labada madaxweyne ay kulan qarsoodi ah ku yeelan doonaan halkaas.

Kulanka ayaa waxa dabada ka riixaya masuuliyiinta sare ee Imaaraatka Carabta, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Khamiistii safar ku tagay Dubai, halkaasoo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu safar ku joogo tan iyo horaantii bishaan.

Lama oga waxyaabaha rasmiga ah ee looga hadli doono haddii labada madaxweyne uu kulan dhexmaro.

Labada maamul ee deriska ah ayaa dagaal khasaare badan dhaliyay uu ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool sanadkii 2018, halkaasoo ciidamada labada dhinac ay weli isku hor fadhiyaan.

Imaaraatka Carabta ayaa saaxiib dhow la ah Puntland iyo Somaliland, iyadoo shirkada DP World ay sanadihii dhawaa ee lasoo dhaafay la wareegtay dekadaha Boosaaso iyo Berbera, sidoo kale Imaaraatka ayaa saldhig milatari ka dhisanaya Berbera. Imaaraatka ayaa Puntland ka taageera ciidamada badda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*