Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Jubbaland oo wadahadal la yeeshay safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya

(Midig) Madaxweyne Axmed Geele Xaaf, (Bidix) Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, (Dhexda) Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni, Safiir Donald Yamamoto. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Nairobi-(Puntland Mirror) Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Jubbaland ayaa wadahadal la yeeshay safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Nairobi maanta oo Jimce ah, ayaa diirada lagu saaray arrimaha ammaanka, federaalka, dimuqraadiyeynta, la dagaalanka argagixisada iyo mashaariicda horumarineed ee dowladda Maraykanku ay ka caawiso dowladdaha xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed la soo saaray maanta oo Jimce ah.

Donald Yamamoto ayaa xusay in dowladdaha xubnaha ka ah federaalka, gaar ahaan Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ay waxbadan oo horumar ah ka hirgeliyeen deegaanadooda, gaar ahaan xasiloonida, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha amniga iyo badda, waxaana uu safiirku sheegay in ay diyaar u yihiin wada shaqayn dhaba oo taabagasha, war-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*