Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya oo yimid Garoowe si ay uga qeybgalaan caleemo-saarka madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Puntland oo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ku soo dhaweeyay Garoowe. January 25, 2018. [Xigashada Sawirka: Facebook/Yusuf Abdi Shire]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa maanta oo Jimce ah yimid magaalada Garoowe ee caasimada Puntland si ay uga qeybgalaan munaasabada caleemo-saarka madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo Madaxweynaha Hir-shabelle Maxamed Cabd Waare ayaa yimid Garoowe.

Masuuliyiinta dowladda Puntland ayaa garoonka diyaarada Garoowe kusoo dhaweeyay madaxdaas.

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wefdi balaaran oo uu hoggaaminayo oo ay ku jiraan xildhibaano ayaa sidoo kale yimid Garoowe maanta si ay uga qeybgalaan munaasabada caleemo-saarka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale la filayaa in uu ka qeybgalo munaasabada.

Madaxweynaha Puntland ee dhawaan la doortay Siciid Cabdullaahi Deni ayaa beri oo Sabti la caleemo-saari doonaa si uu dowladda Puntland u hoggaamiyo shanta sanno ee socota.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*