Madaxweynaha Zimbabwe oo xabsi guri laga dhigay kadib markii ciidamadu ay talada la wareegeen

Sawirka: Madaxweyne Robert Mugabe.

Harare-(Puntland Mirror) Milatariga Zimbabwe ayaa xabsi guri dhigay Madaxweyne Robert Mugabe gudaha caasimada Harare, sida uu sheegay Madaxweyne Jacob Zuma ee Koonfur Afrika.

Mugabe ayaa khadka taleefoonka ugu sheegay Zuma in uu fiicanyahay, sida uu sheegay Madaxweynaha Koonfur Afrika.

Ciidamada ayaa ilaalinaya caasimada Harare, kadib markii ay qabsadeen TV dowladda saakay oo Arbaco ah ayna sheegeen in ay beegsanayaan “dambiilayaal”.

Mugabe oo 93-sanno jir ah, ayaa awooda dalka haystay tan iyo markii ay xornimadooda ka qaateen UK.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*