Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh oo hamabalyeeyay madaxweynaha Mareykanka la doortay Donald Trump

Xasan
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud. [Sawirka: Villa Soomaaliya]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa hambalyo u direy madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada Villa Soomaaliya.

“Aniga oo ku hadlaya magaca jamhuuriyada Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed, waxaan jeclahay in aan ugu hambalyeeyo Donald Trump guushiisa madaxtinimada doorashada Mareykanka. Soomaaliya waxay hambalyeynaysaa ayna qiimaynaysaa xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka kaasoo muhiim u ah danahayaga isku midka ah ee ammaan iyo ujeedooyinka guud gaar ahaan gobolka Bariga Afrika,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.

“Soomaaliya waxay rajeynaysaa diyaarna u tahay wadashaqayn si kor loogu qaado xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal si tilaabo loogu qaado ejeedada ilaalinta nabada iyo xasiloonida guud ee gobolka Geeska Afrika,” ayuu yiri madaxweynaha.

“Dadka Soomaaliyeed waxay u rajaynayaan madaxweynaha la doortay iyo dadka Mareykanka guul. Waxaan uga mahadcelinaynaa dowladda Mareykanka iyo dadka Mareykanka taageeradooda ay siiyaan soomaaliya.” Ayuu kusoo gunaanaday madaxweynaha.

Donald Trump oo u tartamayay xisbiga Jamhuuriga ayaa loo doortay madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka kadib markii uu doorasho guul taariikhi ah ka gaaray haweenaydii la tartamaysay Hillary Clinton oo ka socotay xisbiga Dimuqraadiga.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*