Madaxweynaha Soomaaliya oo u safri doona Uganda

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta oo Arbaco ah la filayaa in uu safar ku aado dalka Uganda, sida ay ilo-wareedyo katirsan dowladda ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Madaxweynaha ayaa martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

Uganda ayaa waxaa gudaha Soomaaliya ka jooga ciidamo gaaraya 5,000 askari oo kamid ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*