Madaxweynaha Soomaaliya oo u safray dalka Uganda

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. [Xigashada Sawirka AP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta oo Axad ah u safray dalka Uganda.

Inta uu safarkiisa ku joogo Uganda, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan la qaadan doona dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni, isaga oo kala hadli doona sidii Uganda ay taageero uga geysan lahayd dagaal gudaha Soomaaliya looga sifeyn doono maleeshiyada Al-Shabaab, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha ciidanka dalka Janaraal Cabdweli Jaamac Xuseen.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu safaro kale ku soo mari doonaa qaar ka mid ah wadamada dariska ah ee Soomaaliya ka taageera dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab, isagoona madaxda dalalkaas u soo bandhigi doono muhiimada uu leedahay dagaalka dowladdu ay qorshaynayso in ay ku qaado fariisimaha iyo goobaha ay dalka kaga suganyihiin Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*