Madaxweynaha Soomaaliya oo u safray dalka Ingiriiska si uu uga qeybgalo shir-weynaha Soomaalida ee London

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. [Xigashada Sawirka: AP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u safray dalka Ingiriiska si uu uga qeybgalo shir-weynaha Soomaalida ee London, kaasoo maalinta Khamiista ka furmi doona gudaha magaalada London.

Ujeedada shirka ayaa waxa uu yahay sidii loo dardargelin lahaa horumarka ku saabsan dib u hagaajinta dhanka ammaanka iyo in lagu heshiiyo iskaashi caalami ah oo cusub oo loo baahanyahay si ay Soomaaliya u gaarto nabad iyo barwaaqo sanadka 2020.

Dhowr kamid saaxiibada Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ka qayb galaan shirka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*