Madaxweynaha Soomaaliya oo tagay magaalo xeebeedka Kismaayo

Maamulka Jubbaland oo roog guduudan u dhigay Madaxweynaha. [Sawirka: Twitter]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta oo Talaado ah tagay magaalo xeebeedka Kismaayo.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa si diiran garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid iyo wasiiro kale ayaa ku weheliya safarka Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in uu kulan la qaato masuuliyiinta sare ee Jubbaland inta uu ku guda jiro safarkiisa Kismaayo.

Ciidamada ammaanka ee ku sugan Kismaayo ayaa adkeeyay amniga meelo kala duwan oo kuyaala magaalada.

Kani waa safarkii afraad oo uu ku tago magaalooyinka dalka tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha bartamihii bishii Maarso ee sanadkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*