Madaxweynaha Soomaaliya oo tagay magaalada Sharmal Shiikh oo uu uga qeybgali doono shirka COMESA

Madaxweyne Farmaajo iyo wefdigiisa oo gaaray Sharmal Shiikh.
[Sawirka: Facebook/villasomalia]
Sharmal Shiikh-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay oo Khamiis ahayd tagay magaalada Sharmal Shiikh.

Farmaajo ayaa ka qeybgali doona shirka Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA), oo looga hadlayo maalgashiga iyo horumarinta bariga iyo koonfurta Afrika.

Dhowr dal oo ka mid ah COMESA ayaa la filayaa in ay ka soo qayb galaan shirka, kaas oo socon doona muddo saddex maalmood ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*