Madaxweynaha Soomaaliya oo tagay dalka Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. [Sawirka: Archive]
Mogadishu-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta oo Arbaco ah tagay dalka Jabuuti, sida ay ku warantay wakaalada wararka dowladda Soomaaliya ee SONNA.

Inta uu ku guda jiro safarkiisa Jabuuti, Farmaajo ayaa la filayaa in uu kulan la qaadan doono Madaxweynaha Jabuuti si ay uga wadahadlaan xiriirka labada dal,  sida ay sheegtay SONNA.

Waa safarkiisii kowaad oo uu ku tago Jabuuti tan iyo markii uu xafiiska yimid bishii Maarso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*