Madaxweynaha Soomaaliya oo soo dhaweeyay golaha wasiiradda cusub oo uu soo dhisay Raysulwasaare Khayre

C7cGv3xXgAA_IRG
Madaxweynaha Soomaaliya oo soo dhaweeyay golaha wasiiradda cusub oo uu soo dhisay Raysulwasaare Khayre. [Xigashada Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay golaha wasiirada cusub ee uu maanta ku dhawaaqay Raysulwasaare Xasan Cali Khayre.

Qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Madaxweyne Farmaajo  ayuu ku soo dhaweeyay golaha wasiiradda cusub.

“Waxaan soo dhaweynayaa magacaabida wasiiradda ee Raysulwasaaraha Soomaaliya. Waxaanu ka wadashaqayn doonaa danta ugu fiican oo ah in dadkeena iyo dalkeena ay helaan nabad iyo nolo,” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa ka codsaday baarlamaanka Soomaaliya in ay ansixiyaan golaha wasiiradda cusub si ay si rasmi ah shaqadooda u la wareegaan.

Raysulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Talaado ah ku dhawaaqay golihiisa cusub ee wasiiradda, oo ka kooban 26 wasiir, iyo ku xigeenadooda iyo shan iyo toban wasiir dowle.

Golaha Wasiiradda cusub ayaa la filayaa in ay baarlamaanka hortagaan maalmaha soo socda si codka kalsoonida loogu qaado, sida uu qabo dastuurka dalka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*