Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in ay aqbali doonaan go’aan walba oo ay Maxkamada ICJ ka gaarto muranka xadka badda ee kala dhaxeeya Kenya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlayay shirka Qaramada Midoobay, Sept 26, New York. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Soomaaliya ayaa balanqaaday in ay fulin doonto go’aan walba oo ay Maxkamada Caalamiga ah ka gaarto muranka xadka badda ee kala dhaxeeya Kenya, ayna aqbali doonto xuduuda ay samayso maxkamadu.

“Sida sharciga caalamiga ah uu qabo, go’aanka maxkamada waxay Khasab ku tahay Kenya,” Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidaa ka sheegay hadal uu ka jeediyay shirka Qaramada Midoobay. “Waxaanu aaminsanahay arrintaas, marka go’aanka la soo saaro xadkana la sameeyo, murankan wakhtiga dheer qaatay waxa laga gaari doonaa guul.”

Labada dal ee dariska ah waxay sheeganayaan lahaanshaha 150,000 kiilomitir oo labo jibaar ah oo kuyaala xeebta Badweynta Hindiya, halkaas oo la sheegay in ay qani ku tahay saliid, gaas iyo kaluunka tuna.

Kulan uu soo qabanqaabiyay Madaxweynaha dalka Abdel-Fattah El-Sisi, kaasoo sidoo kale ah guddoomiyaha Midowga Afrika, ayaa madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya ay ku yeesheen magaalada New York waxayna isku raaceen in dib loo soo celiyo xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal ee dhanka adkaynta diblomaasiyada iyo iskaashiga.

Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ ayaa bishaa soo socota ee November bilaabi doonta dhagaysiga kiiska, kaasoo dib loo dhigay muddo labo bilood ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*