Madaxweynaha Soomaaliya oo salaada Ciidul Fidriga ku oogay masjidka Isbahaysiga

 

IMG_5699
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo salaada Ciidul Fidriga ku oogaya masjidka Isbahaysiga Muqdisho: Sawirka: Radio Muqdisho.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa salaada Ciida dadweynaha kula tugaday masjidka weyn ee Isbahaysiga ee caasimada Soomaaliya, Muqdisho.

Waxaa kaloo Madaxweynaha ku waheliyay madax sare oo katirsan dowlada federaalka Soomaaliya oo uu kamidyahay guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan “Jawaari”.

Salaada kadib Madaxweyne Xasan ayaa khudbad ka jeediyay masaajidka oo uu kaga hadlay xaalada uu dalka marayo gaar ahaan amaanka iyo doorashooyinka soo aadan.

Khudbada Madaxweynaha oo socotay daqiiqado badan oo uu uga hadlay mawduucyo badan ayuu ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay u dhabar adeygaan sidii ay dalkooda u difaacan lahaayeen, dowladda Soomaaliyana ay wax walba u huri doonto sidii dalka xasilooni loogu soo dabaali lahaa, isagoo dadka ugu hambalyeeyay munaasabada Ciida.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarkii lagu qaaday masjidka Nabiga ee magaalada Madiina dalka Sucuudiga.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*