Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ku tagay magaalada Addis Ababa ee Itoobiya

Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa garoonka diyaaradah ku soo dhaweeyay Farmaajo. [Isha Sawirka: Twitter/PMEthiopia]
Addis Ababa-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah safar ku tagay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweyne Farmaajo.

Safarka madaxweyne Farmaajo ayaa qaadan doona hal maalin. Waxaana la filayaa in labada dhinac ay ka wadahadli doonaan arrimo muhiim u ah labada dal iyo gobolka, sida lagu sheegay qoraal kooban oo lasoo dhigay bogga Twitter-ka ee xafiiska Raysulwasaaraha Itoobiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*