Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ku imaan doona Puntland markii ugu horeysay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. [Xigashada Sawirka AP]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa safar ku tagi doona Puntland bishaan, sida ay sheegeen ilo-wareed dowladda katirsan.

Madaxweynaha ayaa la kulmi doona masuuliyiinta Puntland iyo bulshada inta uu ku guda jiro safarkiisa gobolka, ilo-wareedka ayaa Puntland Mirror u sheegay warsidaha Puntland Mirror iyaga oo codsaday in aan magacooda la sheegin sababtoo ah looma ogola in ay la hadlaan warbaahinta.

Safarka Farmaajo ee Garoowe ayaa noqon doona kiisii ugu horeeyay ee Puntland tan iyo markii uu ku soo biiray masraxa siyaasadda Soomaaliya sanadkii 2010-kii.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa la filayaa in uu Garoowe yimaado inta lagu guda jiro asbuucaan si uu u qorsheeyo safarka Madaxweynaha ee Puntland, sida ay ku dareen ilo-wareedku.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*