Madaxweynaha Soomaaliya oo markii ugu horeysay ka qeybgalaya shirka hoggaamiyaasha caalamka ee Qaramada Midoobay

Waa markii ugu horeysay ee uu Farmaajo tago dalka Mareykankanka tan iyo markii uu xafiiska qabtay bishii Febaraayo 2017. [Isha Sawirka: Villa Somalia]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Axad ah u safray magaalada New York ee dalka Mareykanka si uu uga qeybgalo shirka sanadlaha ah ee hoggaamiyaasha caalamku ay ku yeelan doonaan xarunta Qaramada Midoobay.

Wasiir dowlaha arrimada dibada Soomaaliya Cabdulqaadir Axmed Khayr ayaa sheegay in madaxweynuhu uu kulanka ka jeedin doono khudbad, sidoo kalena uu shirar gaar-gaar ah la yeelan doono madaxda shirka ka qeybgalaysa.

Waa markii ugu horeysay ee uu Farmaajo tago dalka Mareykanka tan iyo markii uu xafiiska qabtay bishii Febaraayo 2017.

Madaxweynaha Soomaaliya, oo sannooyin badan ku noolaa gudaha Mareykanka ayaa bishii la soo dhaafay ka noqday dhalashadiida Mareykanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*