Madaxweynaha Soomaaliya oo magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-Sisi

(Midig) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, (Bidix) Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-sisi. [Xigashada Sawirka: Twitter/villasomalia]
Qaahiro-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-sisi kulan kula yeeshay gudaha magaalada Qaahira maanta oo Axad ah.

Qoraal kooban oo uu boggiisa Twitter-ka soo dhigay, Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Al-sisi ay kawadahadleen xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah safar ku tagay magaalada Qaahira ee dalka Masar kadib martiqaad uu ka helay dhiggiisa Masar Cabdulfataax Al-Sisi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*