Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan kula yeeshay Addis Ababa hoggaamiyaha maamulka Soomaaliland

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. [Sawir Hore]
Addis Ababa-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan kula yeeshay Addis Ababa madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed ayaa wakaalada wararka AP u xaqiijiyay kulanka, oo uu sheegay in uu dhexdhexaadiye ka ahaa Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

“Waxa uu ahaa kulan ay albaabadu u xiranyihiin lamana sii deyn wax war-murtiyeed ah. Waxaana uu ahaa kulankii ugu horeeyay,” ayuu yiri agaasimuhu.

Dowladda Itoobiya si rasmi ah ugama aysan hadlin kulanka, kaasoo dhinac socday shir-weynihii Midowga Afrika.

Kulanka ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee dhexmara Madaxweyne Farmaajo iyo hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi.

Somaliland oo kutaala waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991, balse addunka ma siin wax aqoonsi ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*