Madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhawaaqay ‘musiibo qaran’ oo ay keentay abaarta dalka ku dhufatay

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhawaaqay 'musiibo qaran' oo ay keentay abaarta dalka ku dhufatay. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhawaaqay ‘musiibo qaran’ oo ay keentay abaarta dalka ku dhufatay. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Talaado ah ku dhawaaqay in “musiibo qaran” ay dalka ka jirto oo ay keentay abaarta daran.

Kulan looga hadlayay gurmadka abaarta oo maanta ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa madaxweynuhu ka codsaday Beesha Caalamka in ay si deg deg ah uga jawaabceliyaan musiibada si loo caawiyo qoysaska ay saamaysay abaarta daran ee dalka ku dhufatay.

Dhammaan dalka oo dhan ayaa waxaa ku dhufatay abaar daran taasoo ay ku dhinteen dad ka badan 50 qof ilaa iyo hadda.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad 6.2 milyan oo dad ah oo ah kala bar dadka Soomaaliyeed, in ay u baahanyihiin gurmad bini’aadanimo oo deg deg ah.

Haayadaha gargaarka ayaa ka digay in Soomaaliya ay ku dhici doonto macaluul daran oo dad badan ay ku dhintaan haddaan si dhaqso ah looga hortagin.

Macaluushii ugu dambaysay ee dalka ku dhufatay sanadkii 2011-kii, ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 260, 000.

Madaxweyne Farmaajo oo la doortay 8-dii bishaan aynu ku jirno ee Fabaraayo ayaa si weyn looga filayaa in dowladdiisu ay wax badan ka qaban doonto xaalada insaanimo ee ay sababtay abaartu.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*