Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarkii huteel Naasahablood

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

 

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa tacsi u diray dadkii shacabka ahaa oo shalay galab oo Sabti ahayd ku geeriyooday weerar ay maleeshiyada al-Shabaab ku qaadeen huteelka Naasahablood ee magaalada Muqdisho.

“Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, iyo keygaba waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii ay ka shahiideen dadkii soomanaa ee galabta ay argagixisada ku laayeen Hoteelka Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Ciidammada Qalabka Sida ay sii wadi doonaan ugaarsiga iyo hawlgalada ka dhanka ah argagixisada.

“Waxaa weerarkani ay kooxaha naf la caariga ah la beegsanayaan shacabka aan waxba galabsan ay muujinayaan guuldarrooyinka isdaba-joogga ah ee ku habsadey. Waxaa nasiib wanaag ah in shacabka, dowladda iyo ciidammada amniga ay si wadajir ah isaga kaashanayaan dagaalka lagula jiro cadowga. Waxaana weeraradan waxashnimo ee argagixisada ujeeddada laga leeyahay ay tahay in lagu cabsi geliyo shacabka si aanay u taageerin dowladnimada iyo nabadda’’.

Madaxweynaha ayaa ammaan u jeediyay ciidanka dowladda sida deg-degga ah ee ay uga jawaabeen weerarka argagixiso ee galabta dhacay.

Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud Ilaahay uga baryey dadkii ku dhintay weerarkan inuu Ilaahay naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, intii ku dhaawacantey uu caafimaad buuxa siiyo, qoysaska iyo eheladii dadkooda ay ku waxyeeloobeenna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*