Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Ivory Coast uga qeybgalaya shirka 5-aad ee madasha iskaashiga Midowga Afrika iyo Midowga Yurub

Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Ivory Coast uga qeybgalaya shirka 5-aad ee madasha iskaashiga Midowga Afrika iyo Midowga Yurub. [Sawirka: Villa Somalia]
Abidjan-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qaybgalaya shirka shanaad ee madasha iskaashiga wadamada Afrika iyo Midowga Yurub oo ka dhici doona magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeeyay garoonka diyaaradaha Félix Houphouët-Boigny ee Abidjan.

Shirweynaha hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo labo maalmlood socon doona ayaa waxaa lagaga wada hadli doonaa mustaqbalka xiriirka labada dhinac, kor u qaadista iskaashiga ee dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqul iinsaanka, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Inta uu shirkani socdo, Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gooni gooni ah waxa uu la yeelan doonaa qaar kamid ah madaxda halkaas isugu timid si loo sii xoojiyo xiriirka iskaashi ee ay Soomaaliya la wadaagto wadamadaas.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Safiirrada Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo Midowga Afrika iyo La-taliyeyaal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*