Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Cumaan ugu safray ka qeybgalka tacsida Suldaan Qaaboos

Madaxweyne Farmaajo oo u safray Cumaan. [Isha Sawirka: Villa Somalia]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta oo Isniin ah u safray dalka Cumaan.

Madaxweynaha ayaa dalkaas u tagi doona sidii uu tacsi ula wadaagi lahaa geeridii ku timid Suldaankii Cumaan Qaaboos Bin Siciid Al Siciid, kaasoo Sabtidii geeriyooday.

Madax kala duwan oo ka socda dalalka gobolka iyo caalamka ayaa ku qulqulaya magaalada Musqad ee dalka Cumaan si ay uga tacsiyeeyaan geerida Suldaanka iyo in ay kulan la qaataan hoggaamiyaha cusub Haitham Binu Tariq Al Siciid.

Hoggaamiyihii geeriyooday Qaaboos oo 79 sanno jir ahaa, kaasoo xukumayay Cumaan muddo ku dhow 50 sanno, ayaa dalkaas ka dhigay mid ay siyaasadiisu degantahay oo aan dhana raacsananayn saaxiib dhowna la ah dhammaan quwadaha reer galbeedka, Carabta iyo caalamka kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*