Madaxweynaha Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii garoonka diyaaradaha Istanbul

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

 

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa si weyn u cambaareeyay weerarkii ka dhacay garoonka diyaaradaha Istanbul kaasoo ay ku dhinteen dad gaaraya 36 qof.

“Dhabtu waxay tahay argagixisada waxay bartilmaameedsanayaan dadka birimagaydhada ah si waxshinimo ah oo aan loo dulqaadan Karin waxayna calaamad weyn u tahay dadnimo xumadooda” ayuu bayaan ku yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa caalamka ka codsaday in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

“Dowlada Soomaaliya waxay haysaa howl adag si loo horjoogsado argagixisada xuduudaheena iyo kuwa kale ee gobolka. Argagixisada waa khatar caalami ah taasoo si weyn u saamaysay dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed iyo kuwa Turkiga. Tani waa khatar caalami ah taasoo u baahan jawaab caalami ah oo midaysan”.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale tacsi u diray hoggaamiyaha dowlada Turkiga iyo qoysaskii ay dhibaatada kasoo gaartay weerarka garoonka diyaaradaha Istanbul.

“Waxaanu dhinac taaganahay walaalahayo dadka iyo dowlada Turkiga. Waxaanu ka murugaysanahay dhibaatada idiin soo gaartay. Waxaan tacsi kal iyo laab ah u dirayaa qoysaskii iyo asxaabtii ay saamaysay dhibaatada,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa leh xiriir wanaagsan. Tan iyo sanadkii 2011-ka Soomaaliya waxay noqotay dalka saddexaad oo ka faa’idaysta deeqaha horumarinta ee dalka Turkiga uu bixiyo.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*