Madaxweynaha Soomaaliya oo cambaareeyay isku daygii afgembi ee ka dhacay Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud. Sawirka: gettyimages.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa cambaareeyay isku daygii afgembi ee Turkiga shalay oo Jimce ahayd, kadib markii qayb kamid ah ciidamada ay si rasmiya u baahiyeen in ay afgembi sameeyeen, iyagoo sheegay in dalka uu gacantooda ku jiro.

“Maahan mid la aqbali karo in dadka Turkiga ay ka leexdaan wadada dimuqraadiyada uu ku jiray sanadihii u dambeeyay. Kani wuxuu ahaa nasiib daro waxaana aad ugu faraxsanahay in la garaacay kooxdii shayaadiinta ahaa ee isku dayay in Turkiga ay galiyaan qalalaase,” sidaa ayuu Madaxweynaha ku yiri bayaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay si buuxda u taageersantahay dowlada Rajib Dayib Erdogan, isagoo codsaday in la xushmeeyo dastuurka iyo haayadaha dimuqraadiga ah si loo sii wado guusha.

Soomaaliya ayaa xiriir wanaagsan la lehTurkiga. Tan iyo 2011-kii, Soomaaliya waxay kamid ahayd saddexda wadan oo hela caawimaada horumarinta Turkiga.

Ugu yaraan 60 qof ayaa ku dhimatay isku dayga afgembi ee ka dhacay Turkiga.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*