Madaxweynaha Soomaaliya oo cafis u fidiyay 148 maxbuus si looga hortago faafista coronavirus

Madaxweyne Farmaajo. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cafis u fidiyay 148 maxbuus oo ku jira xabsiyo kala duwan oo kuyaala dalka.

Madaxweynaha ayaa cafiskan u sameeyay si looga hortago faafista cudurka caronavirus, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya maanta oo Khamiis ah.

Maxaabiista xabsiga laga sii deynayo ayaa keliya ah kuwa u xiran dambiyada fudud, war-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray.

Shan kiis oo COVID-19 ah ayaa laga xaqiijiiyay gudaha Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*