Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday xerada qaxootiga Dhadhaab

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta duhurkii gaaray xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kiinya halkaas oo  ay ku noolyihiin qaxooti badan oo Soomaali ah.

Waxaa madaxweynaha halkaas kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kiinya iyo saraakiil kale oo dalkaas ah.

Madaxweyne Xasan ayaa booqashadiisa la xiriirtaa sidii uu wax uga ogaan lahaa xaalada qaxootigaas Soomaaliyeed oo muddo ku dhow 25 sanno halkaas ku noolaa.

Dowlada Kiinya ayaa sheegtay in ay xirayso xeryaha qaxootiga ee kuyaala dalkeeda kuwaas oo ay ku jiraan qaxootiyaal badan.

Xasan ayaa noqonaya Madaxweynihii u horeeyay burburka kadib oo Soomaali ah oo xeryahaas booqda ay kunoolyihiin qaxooti Soomaaliyeed oo gaaraya ilaa iyo 300,000.

Dhadhaab waa xerada qaxootiga ugu weyn Caalamka oo ay kunoolyihiin dad lagu qiyaasay ilaa 500,000 qaxooti ah oo u badan Soomaali kuwaas oo ka barakacay colaadaha dalkooda ka dhacay.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*